Somali

Carruur & Hooyo Soomaaliyeed Oo Laga Masaafuriyay Hoygii Ay Ku Noolaayeen Muqdisho.

Muqdisho – Qoys Soomaaliyeed oo danyar ah, kuna noolaa mid kamid ah xaafadaha caasimadda magaalada Muqdisho, ayaa si kedis ah oo aan wax wargalin ah la hayn looga saaray gurigii ay ka deganaayeen magaalada muddo sanado ah.

Dhulkan laga saray qoysaskan oo aan haysan meel ay maciin sadaan ayaa waxaa laga iibiyay ganacsato Soomaaliyeed. Dhacdadan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa abuuray dareen ballaaran oo ka dhan ah sida maamulka Gobolka Banaadir u wajahayo arrimaha la xiriira dadka nugul iyo danyarta Soomaaliyeed.

Ka saaridda dhulkii ay deganaayeen qoyskaasi dowladda Soomaaliya uma aysan marin hannaan sharci ah oo lagu qiimeeyo xaaladdooda, iyadoo Madaxweynihii xilka loogu dhiibay uu si toos ah ama dadbanb a ugu lug lahaa iibinta dhulka iyo amarka ka saarista guryaha ay deganaayeen qoysaskan labarakiciyay.

Dhanka kale Ganacsatadii iibsatay dhulka kuna qasabtay dadkan in ay dowladdu ka rarto dhulka ayaa u dhaqmay si aan damqasho lahayn, iyaga oo aan siinin qoysaskan wax magdhow ah ama xal kale.

Maxay kula tahay?

Milgo Media

Milgo Media

About Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Milgo Media Network (MMN)
Driving positive change through creative, community-driven content that raises awareness on human rights, climate change, and local development.

Get the Latest News

Milgo Media © 2025. All rights reserved. Developed by Recent-IT.